Sida ayaynu u fakarno iyo sababta keentay

Sida ayaynu u fakarno iyo sababta keentay.
 
Kolka laga yimaado xubnaha qabiil kastaa ka koobanyahay, ragg iyo dumar, wadaad iyo waranle, oo shuraako ku wada ah iska caabinta qabaailka kale, gar iyo gardarraba, kolka taa laga yimaado, qof qof baanu u fakarnaa una noolnahay. Dan guud oo naga dhaxaysa iyo fakar umadeed oo na mideeya midna ma lihin; kaligaa is maaree ama tolkaa ku tiirsanow. Dawlad, sharci, kala dambayn, xuquuq qof kale intuba fakarkeena kuma soo dhacaan. Hadalka badan, hawraarta aan macnaha lahayn iyo fahamka oo aad noogu yar aya astaan noo ah. sababtuna waa:
1. Reer-guuraanimada lagu sheegay 65% inaynu nahay oo nagu raagtay, iyo anaga oo weynay hab-nololeed kale oo noo badela. Kaalintii qabiilka ee ahayd difaaca nafta, maalka, sharafka, dhulka iyo haybta qofka oo aynu weynay hay'ad kale oo noo qabata, anagoo dhana naga dhigta qaran; (شعوبا) halka aynu ka nahay qabaail (قبائل)!

2. Tawxiid bilaa tacliin iyo bilaa xadaarad ah! Lama yaqaan rasmi ahaan goorta ay diinta Islamku na soo gaartay. Kaliya waxaa la hubaa in diinta na soo gaartay ay ahayd "Tawxiid bilaa tacliin iyo bilaa xadaarad ahaa"! Cilmi diimeed, mid maadi ah iyo maamul dawladeed midna lama socon diinta na soo gaartay ee aynu qaadanay. Sidaas awgeed ayan Islamku waxba uga badelin fakarkeenii hore, dhaqa-dhaqaaleheenii iyo aragtidii aynu nolosha ka haysanayba! Social media markaan ku arko qawmiyada "Randiilaha" ee Kenya degta oo ayagoo qaaqaawan wadaado ganacsata ahi tawxiidka u qabanayaan , ayaan is iraahdaa sidaas oo kalaa Islamku idinku soo gaaray; caqiido nin socdaa waday ee dawlad iyo hay'ado aqooneed aan midna la socon ayaa na soo gaartay. Waa sababta ay nooga nolol wanaagsanyihiin umadihii Carabta, Eeshiyaanka, Turkida iyo Afrikada Galbeed ee diintu ay gaartay ayada oo ay la socdden nidaam dawladeed iyo hay'ado tacliimeed oo badelay dhaqankii iyo fakarkii umadahaas. Kolka laga reebo magaalooyinka xeebaha, dhulweynaha Somalida lagama heli karo masaajid taariikhi ah ama raad dawladeed!

3. Gumaysigii oo aan saamayn dawladeed ama aqooneed nagu yeelan. Dadyawgii la gumaystay sideenoo kale, ee gumaysigu kaga tegay saamayn dhaqan, afeed, diimeed iyo dawladeedba way na nolol dhaamaan. Anaga, gumaysigu sidii uu noogu yimid ayuu nooga tegay asagoon saamayn ama isbadel ku samayn qaab-nololeedkeenii iyo fakarkeenii qabiilka iyo reer guuraaga ahaa. Dalalka Bariga Afrika, Waqooyiga Afrika ee Carabta ah, Galbeedka Afrika iyo Koofurta Afrikaba, ee aynu maanta dhex daadsanahay anaka oo nolol doon ah, dhamaan waxaa looga hadlaa afafkii gumaystayaashii reer Yurub ee gumaystay. Eeshiya iyo Laatin America ayaa sidoo kale ah. Halka anagu aynu weli joogno "Maay iyo Maxaad tiri"! Afkeena oo la qoray 1972dii af aan ahayn kuma hadalno mana qorno, waxna kuma akhrino! Ilbaxnimadu ma samaday nooga imaanaysay!!!? Maya. Hada oo aynu ku yara baraarugnay in waxuun naga maqanyihiin oo afkeena iyo dhaqankeena oo quri aanay naguna filnayn, ubadkeena waxaynu u dirnaa Kenya, Uganda ama dalalka Carabta, ama aynu u soo kiraysano Macalimiin ajaanib ah oo ubadka siiyay tacliin af qalaad ku baxaysa.

4. Hogaan naga aragti dheer oo aynu weynay. Umadah qaar baa u baxsaday oo ku badbaaday hogaan ka dhex kacay, oo bulshada ka aragti dheeraa. Shiinaha, Turkey, Tanzania, Singapore, xitaa dalalka Khaiijka ee Carabta, Itoobiyada deriska nala ah iyo qaar kalaba, inta ay na dheeryihiin waa inay hogaan heleen. Anaga se waxa aragaas noo yeelay waa indhoole usha u qabtay indhoolayaal, oo mus kala dhex dhacay! Laba geel jire iyo nin dakane hore xasuusta oo aarsi doon ahi maxay kala kororsan karaan!?

5. "Asal-raacnimo iyo arki/maqli-jiray". Umadaha nool ee dawladnimada haysta, horumarkana gaaray, in la is weydiiyo sirta ka dambaysa horu-socodkooda ayaa ah sida saxda ah ee umaduhu ku hormaraan. Japan, Souhth Korea, Turkey, Singapore iyo dalalkii Yurubta bari iyo jamhuuriyadihii Midowgii Soofyeed ka xoroobayba, asaagood bay tiigsadeen. Umadaha fashilmay, sideenoo kale se, sidaas uma fakaraan, ee gadaal bay sii jaleecaan. Duul waa hore tegay iyo umado tirmay baanu tiigsanaa oo ku dayashadooda dan u aragnaa! Halku dhega caanka ah ee Somalida jiilba jiil ka dhaxlaa waa "dad waa dadkii hore, hadalna waa intay yiraahdeen"!! Gabayadii geeljiruhu qarniyaal hore ku caana maalay baa weli dhadhan iyo nuxur noo leh. Xitaa dhinaca diinta asal-raacnimada iyo ku-adkaynta ayanu ka helnaa. Waana sababta fikradaha xagjirku ay suuq fiican ugu leeyihiin da-yarteena. Fasiraaradaha casriga la socon kara ee (فقه المعاصر) nala kama dhaadhicin karo, ee fasiraadihii kun sano kahor ee waafaqsanaa duruufihii waagaas aya weli noo cusub oo noo cuntama! Dunida ma soo marin maanta maalin ay ka fiicantahay; dawlad ahaan, aqoon ahaan, ilbaxnimo ahaan, technolojiyad ahaan iyo nolol ahaanba. Inaynu hateeraha iyo horteena eegno nala kuma kari karo! Somaliga qurbaha ku nool ee nolol raadis badaha u talaabay, weli waxaa la qurxoon oo uu ku naaloodaa dhaqan-dhaqaalihii, qabyaaladii, geeljirnimadii, gabayadii tolkiis iyo taariikho hore oo duruuftii maalinkaas jirtay ay sameeyeen. Lagama yaabo inuu ka helo, la ashqaraaro, ku taamo sidii dalkiisa iyo dadkiisu ku gaari lahaayeen heerka dunidu gaartay iyo heerar ka sii casrisan ee caalamku u socdo! U fiirso masuulka xilka qabta asaga oo ka soo noqday qurbaha, waxna ku soo bartay, fakarkii awowgiis iyo dhaqankii reerkiisa ayuu bilaabayaa ee aqoon iyo ilbaxnimo uu soo kororsaday ku arki maysid. Inuu wax cusub la yimaadaa waa calaacal tima ka soo baxeen. Waxaynu la mid nahay cawaantii Dulqarnayn uu arkay ee Alle yiri (لا يكادون يفقهون قولا)

Comments