Sida ayaynu u fakarno iyo sababta keentay
Sida ayaynu u fakarno iyo sababta keentay. Kolka laga yimaado xubnaha qabiil kastaa ka koobanyahay, ragg iyo dumar, wadaad iyo waranle, oo shuraako ku wada ah iska caabinta qabaailka kale, gar iyo gardarraba, kolka taa laga yimaado, qof qof baanu u fakarnaa una noolnahay. Dan guud oo naga dhaxaysa iyo fakar umadeed oo na mideeya midna ma lihin; kaligaa is maaree ama tolkaa ku tiirsanow. Dawlad, sharci, kala dambayn, xuquuq qof kale intuba fakarkeena kuma soo dhacaan. Hadalka badan, hawraarta aan macnaha lahayn iyo fahamka oo aad noogu yar aya astaan noo ah. sababtuna waa: 1. Reer-guuraanimada lagu sheegay 65% inaynu nahay oo nagu raagtay, iyo anaga oo weynay hab-nololeed kale oo noo badela. Kaalintii qabiilka ee ahayd difaaca nafta, maalka, sharafka, dhulka iyo haybta qofka oo aynu weynay hay'ad kale oo noo qabata, anagoo dhana naga dhigta qaran; (شعوبا) halka aynu ka nahay qabaail (قبائل)! 2. Tawxiid bilaa tacliin iyo bilaa xadaarad ah! Lama yaqaan rasmi ahaan goorta ay diinta I...